Warbixin:Maalinka Nabadda adduunka

0
296

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Sannad kasta 8-da bisha September oo maanta ku beegan waxaa dunida looga dabal dega maalinta caalamiga ee la dagalanka  Jahliga ama  akhriska iyo qoraalka la’aanta  iyadoo diirada lagu saaro sidii kor loogu qaadi lahaa fahanka iyo aqoonta bulshada.

Golaha guud ee qaramada midoobay maalinta meelmariyay 26- Oktober sannadkii 1966-dii, iyadoo  sannadkii ku xigay ee 1967-dii la bilaabay dabal dega maalinta caalamiga ee Jahliga ama qorista iyo akhris la’aanta  taasoo loo asteeyay 8-da bisha September sannad kasta.

Guddoomiyaha jaamacadda Jobkey Cabdicasiis Caagane Cabdisamad ayaa sharaxaya qeybaha ay u kala baxdo jahlinimada iyo sannadka ay soo bilaabatay xuska maalintan.

Qaar ka mid ah ardeyda dhigta Jaamacadda Jobkey ayaa bulshada Soomaaliyeed ku booriyay inay ku dadaalan waxbarashada si ay wax ugu qabtan dalkooda iyo dadkooda.

Inkastoo maalinta diirada lagu saaro sidii loola dagaalami lahaa jahliga ayaa haddana waxaa  jira caruur badan oo u heelan inay wax barta, balse duruufaha heysta qoysaskooda ay u saamixi waayeen inay wax barta.

Cawke Cali Cawil,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here