Warbixin:Maalinka Duumada dunida

0
487

Sanad walaba maanta oo kale 25-ka bisha April waxaa dunida laga xusaa maalinta Malaariyada ama Duumada maalintan ayaa loo aqoonsaday sanadkii 1897 xilligaas oo dhakhter kasoo jeeda dalka Uk oo la yidhaahdo sir Ronald ross ogaaday in dhiigaga kaneecada u gudbiyo cudurka duumada oo saameeyay kumanaan qof oo ku nool dunida  daafaheeda kala duwan.

dalal badan oo dunida kamid ah waxaa laga xusaa malinta duumada adduunka dalalka maalintan oo kale laga xusa waxaa kamid ah somalia oo ay dad badan halis ku heyso cudurka duumadu.

Goobaha ugu badan ee Cudurkan laga helo ayaa noqday wadama saxaraha ka hooseeya ee Qaarada Africa halkaas oo la sheegay in dad badan uu soo ritay qaarna ay u dhinteen cudurkan duumada.

Duniada ayaa dadaal ugu jirta ah sidii loo  yarayn karno dhimashada duumada ay ku hayso wadamada Caalamka waxaan Intii u dhaxeysay 2000 ilaa 2020 , tirada dhimashada la xiriirta duumada ay sare u kacday.

Warbixinada kale duwan oo ay ka soo saartay   WHO ee  ku sabsan cudurka malaariyada adduunka ee 2019 ilaa 2020 , ma jirin wax guul ah oo caalamka ka gaadhay yareynta caabuqyada cusub muddadii u dhaxeysay 2018-ka illaa 2020. Waxaana dad badan ay u dhinteen duumadda sanadkaan.

Tallaabooyinka  deg-deg ah ayaa loo baahan yahay in lugu xakameeya cudurka dumadda ayaa ah in dowaladda sare u qaado tayaynta adeegyadda cafimadka oo loga hortagi karo cudurka duumaadda

Iyadoo ay maanta ay ku asteesan tahay maalinta duumada adduunka ayaa waxaa u dunidu la daalaa dhacaysaa cudurka Covid 19 oo uu saamayn badan ku hayaa dalalka dunida  waxaana la yareeyay  munsabadahii loo qabani jiray maalinta duumadda adduunka waxaana taasi sababtay in la baajiyo isku imaantinkii xafaladaha.

Hadaba Wasiirka caafimaadka Dowlada Fedaralka Drs Fowsiyo Abiikar Nuur oo maanta shir Jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho aya sheegaty in wasaaradda caafimaadku ay u taagan tahay badbaadinta hooyada iyo dhallaanka u dhimanaya cudurka duumada.

Cabdinuur Sabriye,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here