Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Xirfada bira tumista waa xirfad adag inta badanna looga bartay in ay ku shaqaystaan raga oo kaliya ayna adag tahay in dumarka intooda badan ay ku dhiiradaan.
Balse waxaa xusid mudan in Haweenka Soomaaliyeed burburkii dalka ka dhacay ka dib ay duruufuhu ku kalifeen in ay bartaan xirfado badan oo qaar kood aan looga baran in dumarku ay qabtaan sida xirfada biro garaacista.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.