Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Dhalinyarada badan oo baratay xirfadda farsamada ayaa waxay ku nool yihiin magaalada kismaayo kuwaasoo sameeya alaabta guryaha lagu isticmaalo sida sariiraha , armaajooyinka iyo miisaska kuwaasoo si weyn looga iibsado.
Magaalada kismaayo waxaa ku yaallo goobo lagu tababaro dhalinyarada,kuwaaso la barayo farsamada gacanta si ay noloshooda iyo tan Qoysaskooda ay u hor mariyaan, goobahaasi oo laga soo saaray dhalinyaro badan oo baratay xirfadda farsamada gacanta ayaa si iskood ah waxay uga shaqeystaan magaalada kismaayo.
Cowke Cali Cawil ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.