Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga

0
432

Kismaayo(Waamo Radio) Kooxaha reer Yurub ayaa bilaabay ka shaqaynta qorshayaashooda suuqa kala iibsiga xagaaga xilli uu xilli ciyaareedku dhamaad ku dhaw yahay.

Kooxda Inter Milan ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta kooxda Tottenham kaas oo ay ka doonayaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Tottenham Christian Eriksen (Tuttosport).

Xiddiga reer Argentine ee Mauro Icardi ayaa ku dhaw in uu 52 milyan oo euro ugu biiro kooxda Real Madrid (AS).

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda RB Leipzig ee Timo Werner ayaa kooxdiisa u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda xilli lala xiriirinayo Kooxaha Bayern Munich iyo Liverpool (Sky Germany).

Kooxda chelsea ayaa si gaar ah ula socota weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund ee Alexander Isak inkasta oo ay tartan kala kulmayaan kooxda Real Madrid (Sun).

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa sheegay in ay kooxdu iibin doonto xiddigo badan oo muhiim ah marka la gaadho xagaaga xilli ay isku shaandhayn weyn ku samayn doonaan kooxda (Sky Sport).

Laakiin Zidane ayaa meesha ka saaray in ay kooxdu iibin doonto weeraryahanka kooxda ee Karim Benzema marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga (Marca).

Antoine Griezmann ayaa isaga tagi doona kooxda Atletico Madrid kuna biiri doona kooxda cusub ee uu tababare Jose Mourinho tababaraha u noqdo (Don Balon).

Kooxda Barcelona ayaa gabi ahaan isaga hadhay tartankii ay ugu jirtay saxiixa weeraryahanka Luka Jovic (Mundo Deportivo).

Kooxda Man United ayaa ka mid ah 11 kooxood oo indha indheeyayaal u diray xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Sporting Lisbon Bruno Fernandes (O Jogo).

Man United ayaa wakiilka Paul Pogba u sheegtay in uuna xiddigu khadka dhexe si fudud uga tagi doonin kooxda Marka la gaadho xagaaga (Marca).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here