Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga & Waxay Wargeysyadu Qoreen Maanta Oo Arbaca Ah

0
92

Chelsea ayaa isku day xilli dambe ah samayn karta iyadoo u dhaqaaqaysa garabka Shakhtar ee Mykhailo Mudryk oo heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Arsenal. (Sun)

Chelsea ayaa diidan inay bixiso lacagta 120-ka Milyan ee euro ah ee lagu jabin karo heshiiska Enzo Fernandez xilli Benfica ku adkaysanayso. (Telegraph – subscription required)

Chelsea iyo Benfica ayaa xalay wadahadalo wakhti dheer ah galay balse wali waxyaabo muhiim ah ayaysan isku raacin. (Fabrizio Romano)

Memphis Depay oo lala xidhiidhinayay Man United ayuu tababaraha Barcelona ee Xavi doonayaa inuu kooxda sii joogo. (Metro)

Manchester United ayaa wali suuqa bishan January iibin karta Aaron Wan-Bissaka walow uu kulamadii ugu dambeeyay bandhig fiican sameeyay. (Athletic – subscription required – via Mail)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here