Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

0
520

Kismaayo(Waamo Radio)  Kooxaha reer Yurub ayaa bilaabay ka shaqaynta qorshayaashooda suuqa kala iibsiga xagaaga xilli uu xilli ciyaareedku dhamaad ku dhaw yahay.

Kooxaha kala duwan ee yurub ayaa wadahadalo hordhac ah la sii furi kara kooxaha xiddigaha ay doonayaan in ay helaan adeegooda.

Inkasta oo uuna wax heshiis ah haatan dhici karin oo uuna xiddig-na ku biiri karin koox kale hadana waxa ay heshiis la sii gaadhi karaan xiddigaha ay doonayaan.

Kooxda Liverpool ayaa dalab aad u sareeya ka gudibsay xiddiga ay walaalaha yihiin Eden Hazard laakiin kooxda Borussia Dortmund ayaa doonaysa in ay badal uga dhigto Christian Pulisic (Sun).

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Luis Suarez ayaa kooxdiisa u sheegay in uu doonayo hehsiis cusub oo uu u saxiixo kooxda ka hor inta uuna heshiiskiisa haatan dhicin xagaaga 2021 (Mundo Deportivo).

Kooxda Man United ayaa isku diyaarinaysa in ay 50 milyan oo euro ku dalbato xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda West Ham ee Declan Rice (Irish Independent).

Majalada France Football oo Paul Pogba u sheegtay in uu isaga tago Man United kuna biiro kooxda Real Madrid suuqa xagaaga (France Football).

Madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa qirtay in ay Barcelona doonaysay saxiixa xiddiga Paul Pogba markii uu joogay Juventus laakiin awoodi wayday in ay bixiso lacagtii lagu iibinayay (ESPN).

Kooxda Man United ayaa si dhaw ula socota xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda DC United ee Luciano Acosta (Mirror).

Kooxda Real Madrid ayaan 100 milyan oo euro ka bixin doonin Eden Hazard laakiin u sheegtay xiddiga in uu kooxdiisa ku qasbo in uu ku biiro Real Madrid (Mail).

Kooxda Liverpool ayaa dhigeeda Barcelona kula tartamaysa saxiixa xiddiga kooxda Wolves ee Ruben Vinagre kaas oo ah xiddig si aad ah loo qiimeeyo (Birmingham Mail).

Kooxda Real Madrid ayaan wax qorshe ah u hayn in ay dib u soo celiso xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee James Rodriguez kaas oo amaah kula jooga kooxda reer Germany (Marca).

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa u sheegay Maamulka Kooxdiisa in uuna doonayn saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara PSG ee Kylain Mbappe laakiin badalkiisa uu doonayo xiddiga Liverpool ee Sadio Mane (Don Balon).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here