Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

0
500

Kismaayo(Waamo Radio) Kooxaha reer Yurub ayaa bilaabay ka shaqaynta qorshayaashooda suuqa kala iibsiga xagaaga xilli uu xilli ciyaareedku dhamaad ku dhaw yahay.

Kooxda Man City ayaa Liiskeeda suuqa kala iibsiga xagaaga ku dartay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Rodri (Mial).

Goolhayaha Kooxda Real Madrid ee Keylor Navas ayaa qirtay in uu isaga tagi karo kooxda Real Madrid marka la gaadho suuqa xagaaga isaga oo heegan galiyay Man United (Express).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Kooxda Man United ee Ander Herrera ayaa isaga tagi kara kooxda Man United marka uu dhoco heshiiskiisa haatan (Mail).

Kooxda Man United ayaa dhigeeda Man City kula biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid ee Saul Niguez (ESPN).

Man United ayaa 120 milyan oo euro ku dalbanaysa xiddigaha weerarka uga ciyaara kooxaha Juventus iyo Inter Milan ee Mauro Icardi Iyo Paulo Dybala (Tuttomercatoweb).

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Mario Gotze ayaa sheegay in uu Liverpool kula midoobi doono tababarihiisii hore ee Jurgen Klopp (Star).

Kooxda Man United ayaan iibin doonin Goolhaye De Gea wax walba oo dhaca marka la gaadho dhamaadka xilli ciyaareedkan xitaa hadii ayna heshiis cusub ka saxiixan (Mirror).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here