Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Alexander Isak ayaa go’aansaday inuu sii sugo Liverpool waana dookhiisa kaliya.
Isak kuma soo laaban tababarka kooxda isbuucaan, isagoo diirada saaray u dhaqaaqistiisa Liverpool suuqa xagaagan.
Isak ayaa wakhti hore Liverpool la gaadhay heshiiska shaqsiga ah, Isak ayaa kaliya doonaya in uu ku biiro Liverpool.
Isak ayaa sidoo kale ka warqaba Liverpool inay diyaar u tahay dalab rikoor ah haddii Newcastle ay albaabka u furto.
Slot iyo kooxdiisa ayaa doonaya in ay sida ugu dhakhsaha badan u dhamaystiraan saxiixa xiddiga.