Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dalka dib ugu soo laabtay ka dib shirkii Baarlamaanada dalalka Islaamka ee Burkina Faso.

0
306

Muqdisho(Idaacadda Waamo)Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Dalka Burkina Faso ayaa intuu halkaasi joogay waxa uu kaga qeyb galay Kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka oo sanadkan ay martigelisay Dowladda Burkina Faso.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa inta uu halkaasi ku sugnaa waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha Baarlamaanadda Dowladaha Islaaamka ee shirka ka qeyb galayay oo uu ka mid yahay gudddoomiyaha Baarlamaanka ee Dalka Algeria oo ay ka wada hadleen xoojinta iyo dar dar gelinta xiriirka labada wadan iyo sidoo kale iskaashiga labada Baarlamaan.

Shalay oo ay wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ka soo ambabaxeen Garoonka Diyaaraadaha Aougadougou ee Dalka Burkina Faso waxaa garoonka halkaasi kasoo sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Ee Dalka Burkina Faso Alassane Baka Sakandé,waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Baarlamaaanka walaalaha Jabuuti oo si wadajir shir ugu qabtay Gudaha Garoonka Aougadougou ay ugu mahad celiyeen Shacabka iyo dowladda Burkina Faso martigelinta shirka iyo soo dhoweynta wafuuda ka qeyb galeysay.
Maanta ayay wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka dib ugu soo laabteen Magaaladda Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here