Wafdi uu hogaaminayo Ra’isul Wasaaraha XFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo

0
52

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Madaxweynaha dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Hamza cabdi barre oo booqasho ku yimid Jubaland.

Madaxweyne ku xigeenada Dowlada, gudoonka golaha wakiilada iyo dadweyne kala duwan ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa soo dhawaynta wafdiga Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maalmaha soo socda booqasho shaqo ku joogi doona Jubaland.

Abdirahin Deck ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here