Wafdi ka socda Jubbaland oo mashaariic Horumarineed ka hirgaliyay Degmada Afmadoow

0
258

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wafdigan gaaray Degmada Afmadow ee katirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiinta Degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada waxaana wafdigan oo isugu jiray Wasiiro Agaasimyaal iyo xildhibaano ay halkaasi u tageen dhagax dhiga iyo xariga kajarista mashariic Horumarineed oo midowga yurub uu ka hirgalinaayo Degmada Afmadow.

Dhismaha xaruunta Golaha Deegaanka iyo dhagax dhiga iskuulka xaafadda danwadaagta ayaa bilow u noqday ujeedka shaqda waxaana sidoo kale ay mas’uuliyiintu xariga ka jareen laydh ka  Cad-ceeda ku shaqeeyo oo dhawaan Degmada laga hirgaliyay

Iidle Aadan Maxamed,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here