Wadada xidhiidhiso Guriceel iyo Dhuusamareeb oo iskaa wax u qabso lagu dhisayo.

0
366

Ardeyda wax ka barata Iskuulaada ku yaalla degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa saaka ka qeyb galay Ololaha Isxilqaan oo shacabku ku dhisanayaan waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee gobolkaasi.

Wadadaan oo qiyaas ahaan ku dhow 70-KM ayaa waxaa si Isxilqaannimo ah ku dhisaya shacabka magaalada Guriceel oo kaashanaya dowladooda, waxaana haatan lagu guuleystay dhismaha dhowr Kiilo mitir oo horay u burbursanaa.

Gaadiidleyda wadadaan ku safra iyo shacabka dib u dhiskeeda ku howlan ayaa dalbanaya in laga taageero helida agabka loogu talagalay dhismaha waddooyinka oo aysan hadda intiisa badan heysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here