Wadada Xaafada Madiina ee magaalada Kismaayo oo dayactir lagu sameeyay

0
344
Kismaayo(Idaacada Waamo)Kadib cabasho ay soo gudbiyeen bulshada xaafada madiino ee maagalada Kismaayo ayaa waxaa la dayactiray wadada isku xirta suuq kalkaal iyo xaafada madiina,iyadoona dhismaha wadadaan ay iska kaashadeen maamulka dagmada Kismaayo,kan gobalka iyo Hay’ada dib u dajinta barakacayaasha Jubbaland.

Gudoomiye ku xigeenka amniga degmada Kismaayo oo ka hadlay munaasabad kooban oo wadadan xadhiga looga jarayay ayaa sheegay in dhabarka u riteen howshan,iyagoo ka jawaabayaa cabashada shacabka.
Jaamac Ugaas Cabdullahi madaxa arimaha bulshada gobalka Jubada hoose ayaa dhankiisa sheegay in wadadan ay muhiim u tahay bulshada xaafada madiina,wuxuuna u mahadceliyay cid kasta oo ka qeyb qaadatay dhismaha wadadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here