Wabiga Shabeelle oo Fatahaad ka Sameeyey Xaafado ka tirsan Beledweyne

0
324

Baladweyne(Idaacadda Waamo)Wararka laga helayo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Wabiga Shabeelle uu Maanta fatahaad ka sameeyey Xaafado ka tirsan Magaaladaasi Beledweyne.

Wabiga oo maalmahaan aad looga cabsi qabay ayaa waxaa uu ka fatahay Xaafadaha Kooshin, Xaawa-taako laamaha Dhagax-Jibis Kutiimbo, Bilis-Diid,sida ay Idaacadda Risaala ee Muqdisho u sheegeen dad ku sugan Magaalada Beledweyne.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dadka uu fataahada saameeyey iyo kuwo kale oo ka cabsi qaba ay u barakaceen deegaanka Ceel-Jaale ee duleedka Beledweyne si aysan waxyeelo ugu geysan fatahaada.

Maamulka Gobolka Hiiraan, Guddiga Gurmadka Fatahaadda ee Ganacsatada u badan iyo Ingineero Dowladda Soomaaliya ka socda ayaa waxaa ay wadaan dadaalo ay biyaha fatahaadda ku xakameynayaan  walow Wabiga uu fatahaad horu dhac ah bilaabay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here