“Waan sii wadi doonaa dagaalka ilaa dhammaadka.” – Frenkie de Jong

0
315

Barcelona(Idaacadda Waamo)-Ciyaaryahanka khadka dhexe kooxda Barcelona ee Frenkie de Jong ayaa muujiyay sida uu kaga niyadjabay guuldaradii kooxdiisa kasoo gaartay naadiga Granada.

Granada ayaa guul ka soo gaartay kooxda Barcelona oo ay ku booqatay garoonka Camp Nou, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2, Barcelona ayaa wali ku jirta booska saddexaad waxayna iska lumisay fursad ay kula wareegi laheyd hoggaanka horyaalka La Liga, iyadoo ay min 71 dhibcood wadaagaan Real Madrid oo booska labaad ku jirta.

Haddaba ciyaarta kaddib laacibka reer Holland ee Frenkie de Jong ayaa u sheegay warbaahinta:

“Aad ayaan u murugeysanahay xilligan , tanina waa wax iska caadi ah, baritana sidaas oo kale ayaan ahaan doonnaa.”

“Laakiin waa inaan kacno oo aan sii wadno dagaalka ilaa dhamaadka, waa inaan sii wadnaa shaqada.”

“Granada waxay ku tuureen laba kubaddood shabaqeena waxayna dhaliyeen labada gool.”

“Kaddib marka ay ciyaarta noqotay bar-bardhac uma ciyaarin sidii ugu fiicnaa, sababtaas darteed maanaan abuurin fursado badan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here