Waakan Tababaraha Sida Weyn U Sugaya Shaqada Chelsea Haddii Graham Potter Laga Caydhiyo

0
161

Mauricio Pochettino ayay warar cusubi sheegayaan inuu xiisaynayo shaqada tababarenimo ee Chelsea haddii la caydhiyo tababaraha cadaadisku saaran yahay ee Graham Potter.

Potter ayuu culayska ku saaran Chelsea yahay mid sii kordhaya gaar ahaan kaddib lix kulan oo laga adkaaday sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.

Blues ayaa haatan booska 10-aad kaga jira miiska kala sarreynta Premier League halka ay FA Cup iyo Carabao Cup kaga hadheen sababta Manchester City oo labadaba ka reebtay.

Sida uu sheegayo wargeyska The Sun, Pochettino ayaa diyaar u ah inuu qabto shaqada Blues. Ugu horreynba maamulka sarre ee Chelsea ayaa doonaya inay wakhti siiyaan tababaraha English-ka ah si uu dhinaca kale ugu rogo natiijooyinka xun xun.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here