Waa Kuwan LABADA Kooxood Ee Uu Mohamed Salah Midkood Ku Biiri Doono Haddii Uu Liverpool Ka Baxo Sanadkan

0
118

Kismaayo (Idaacadda Waamo)-Waxa shaaca laga qaaday labada kooxood ee uu Mohamed Salah u furan yahay inuu mid ahaan ku biiro haddiiba uu heshiis cusub la meel dhigi waayo kooxdiisa Liverpool bilaha soo socda.

Mohamed ayaa galay 18-kii bilood ee ugu dambeeyay heshiiskiisa Liverpool, wadahadalada heshiis kordhinta ee labada dhinac u dhaxeeyay ayaa gabi ahaanba istaagay, waxa la fahamsan yahay in wax wadahadal ahi uusan dhicin tan iyo December oo uu Salah ka fikirayo kooxaha macquulka ah ee uu ku biiri karo.

Wakiilka Salah ee Ramy Abbas Issa ayaa sheegay inuusan ku laaban doonin miiska wadahadalka ilaa ay kooxdu horumar kusoo samayso qoddobadii ugu dambeeyay ee ay usoo bandhigeen, Salah ayaa la aaminsan yahay inuu doonayo heshiis ka dhigaya mid kamida xiddigaha ugu mushaharka badan dunida.

Iyadoo uusan Salah qabin dareenka ah inuu kordhiyo heshiiskiisa Liverpool inta qoddobadii hore horyaalaan ayuu wargeyska SPORT sheegayaa inuu soo dhawaynayo ku biirista mid ahaan kooxaha Paris Saint-Germain amaba Barcelona.

Barcelona oo laba sano kahor isku day-day saxeexa 29 sano jirkaas ayaa wali si dhaw ula socota xaaladiisa, Reds ayaa dalban kara ilaa 84 Milyan oo pound haddiiba ay iibinayaan.

Warbixinta ayaa sheegaysa in Barca ay diyaar la tahay bixinta 58.8 Milyan pound sababtoo ah in heshiiskiisa hal sano oo kaliyi ka hadhay. PSG ayaa ah koox aan ku dhibtoon doonin inay siiso mushaharka uu dalbanayo.

Paris ayaa la filayaa inay xiddigo badan kooxdeeda ka dirto suuqa soo socda kaddib xilli ciyaareed kale oo ay niyad jab kala kulantay Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here