Vincent Kompany“Messi Wuxuu Ku Hoggaamin Karaa Man City Hanashada Champions League”

0
356

England-(Idaacadda Waamo) Halyeeyga Kooxda Man City ee Vincent Kompany ayaa Ka Hadlay Suurtagalnimada uu Lionel Messi ugu Biiri Karo Kooxda Manchester City, Kadib Markii uu Muujiyay Rabitaankiisa ah inuu Ka tago Kooxda Barcelona.

Wargeyska “Daily Mail” ayaa Shaaca Ka Qaaday Wareysi uu Bixiyay Kabtankii Hore Kooxda Manchester City ee Vincent Kompany, Wuxuuna yiri :- “Wax Weyn ayey u ahaan Laheyd Kooxda inay Heysato Ciyaaryahan Sida Messi oo Kale, Kaasoo Ka Caawin Kara iyaga inay Gaaraan Tallaabada Xigta ee ah Ku Guuleysiga Tartanka yurub ee Champions League”.

“Aynu Cadayno, Maadaama aan ahay Taageere Manchester City ah, Waxaan Rajeynayaa in Lionel Messi uu Ku Biiro Man City”.

“Waxaan Qiyaasi Karaa in Tababare Pep Guardiola iyo Messi uu Midba Kan Kale Ka Wici Karo Taleefankiisa Qaaska ah”.

Si kastaba Ha Noqotee, Manchester City ayaa u Muuqata inay Tahay Kooxda ugu Dhow ee La Saxiixan Karta Xidiga Lionel Messi Haddii ay Dhacdo inuu Ka Tago Garoonka ay Ku Ciyaarto Kooxda Barcelona ee Camp Nou Xagaagan.

Messi ayaa Muujiyay Rabitaankiisa ah inuu Katago Kooxda Barcelona, Kadib Guuldaradii Foosha Xumayd ee Ka Soo Gaartay Kooxda Bayern Munich Wareega Sideed Dhammaadka Tartanka yurub ee Champions League, Kulankaas oo Ku Dhamaaday 8-2,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here