Vincent Kompany Oo Kajawaabay Sababta uu Virgil Van Dijk ugu Tilmaamay Daafaca ugu Fiican Taariikhda Premier League.

0
376

Kismaayo-(Idaacadda)- Daafacii Hore ee kooxda Man City Vincent Kompany ayaa Kajawaabay Sababtii uu Daafaca Kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk ugu Tilmaamay Daafaca ugu Fiican Taariikhda premier League.

Virgil Van Dijk ayaa Door Muhiim ah Ka Ciyaaray Ku Guulaysiga Kooxda Liverpool ee 3-dii Koob ee ugu Dambeeyay Xilli ay Kooxda Liverpool Haatan Ku Dhawdahay Horyaalka Premier League.

Vincent Kompany ayaa Dhawaan Xidiga Kooxda Liverpool ee Van Dijk Ku Tilmaamay Daafaca ugu Fiican Taariikhda premier League taas oo muran badan dhalisay

Vincent Kompany oo hadalkiisaas Kajawaabaya ayaa Wuxuu yiri ”Sababtii aan Van Dijk ugu Tilmaamay Daafaca ugu Fiican Taariikhda Premier League ayaa ah in ay Liverpool Mar Walba Khatar Ku jirtay Dhanka Daafaca Ka Hor intii uuna Van Dij iman.

“Horay uma arkin awooda Liverpool ay Muujisay Tan ilaa Markii uu Kusoo Biiray Kooxda Waxana uu Liverpool Ka Dhigay Kooxda ugu Fiican aduunka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here