Kismaayo(Idaacada Waamo)Gudoomiye ku xigeen ka Ururka Naafada Jubbaland Xusseen Faarax Cabdulle Oo Lahadlay Idaacada Waamo ayaa sheegay in Dadka Baahiyaha gaarka qabay ayna helin Xaquuqda ay ku leyihiin Dowlad Goboleed ka Jubbaland marka laga hadlayo Arimaha Shaqalaysiinta.
Waxa uuna codsaday in dadka Naafada ah laga shaqaalaysiiyo Xaafiisyada Dowlada oo Uu Sheegay in marka shaqaale La qaadanayo aan lagu soo darin dadka baahiyaha Gaarka qaba.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintan inooga diyaarisay.