Ururka Kubadda Cagta Jubbaland oo doortay Gudoomiye cusub

0
28
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Tartanka doorashada Guddoomiyaha ururka kubadda cagta Jubbaland ayaa lagu qabtay magaalada Kismaayo, iyadoo tartan adag kadib uu loollankaasi ku guuleystay Axmed Cabdullaahi Axmed (Qaldaan) oo noqonaya guddoomiyaha cusub ee ururka Kubadda Cagta Jubbaland.
Gudoomiyaha cusub ayaa ka guuleystay Cabdiraxmaan Cabdullaahi Axmed (Suufi) oo u tartamayay xilkan, sidoo kalena ay si wayn u loolameen Guddoomiye Qaldaan oo ugu dambeyn ku guuleystay kursiga guddoomiyaha ururka kubbadda cagta Jubbaland.
Mowliid Abdi Kulmiye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here