Baarlamaanka Jaamacadda Carabta oo sheegay in taageerayaan Soomaaliya.

0
457

Qaahira(Idaacada Waamo)Kulanka Baarlamaanka Dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta oo Shalayto lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Qaahira ee xarunta Dalka Masar ayaa laga soo saaray bayaan lagu taageerayo Dowladaha Soomaaliya iyo Suuriya.

Bayaanka lagu taageeraya Soomaaliya Soomaaliya oo gundhig u ah horumarka dhinacyada badan leh ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sameysay ayaa mar kale lagu caddeeyay in ay Jaamacadda Carabtu difaaceyso Qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa horay u taageeray horumarrada ay sameysay Dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here