Ururka dhalinyarada midnimo Youth group oo baaq nabadeed udiray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya duleedka kismaayo.

0
515
Kismaayo(Idaacadda Waamo)Ururka dhalinyarada ee Midnimo Youth group   oo kamdia ah ururada dhalinyarada madaxa banaan ee kadhisan degmada kismaayo ayaa baaq nabadeed udiray beelaha walaalaha ah ee ay colaadu kucdhex mareyso duleedka kismaayo, waxayna kubaaqeen in si deg deg ah loo jooliyo dirirta

Gudomiyaha ururka Midnimo Youth Group   iyo xubnaha kale ee ururka oo soo booqday Idaacada Waamo ayaa sidoo kale waxay baaq udireen madaxda dowlada,isimada dhaqanka, iyo haweenka in ay kawada qeyb qaataan sidii loo damin lahaa colaada.Ururka dhalinyarada madaxa banaan ee midnimo Youth group  ayaa kamid ah ururada udhaq dhaqaaqa arimaha bulshada,waxayna sameeyaan wacyi galin guud oo ay u sameeyaan bulshada deegaanka.Waxaa warbixintaan ka diyaariyay:Iidle Aadan Maxamed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here