26-ka Juun iyo 1-da Luulyo ayaa ah laba maalmood oo muujinaya qaranimo sido kalana xusuus gaar ah ugu fadhiya shacabka Soomaaliyeed’Waa maalmo muujinaya halgankii dheer ee ay shacabka Soomaaliyeed u soo galeen inay ka xoroobaan gumeystayaashii reer Yurub, una helaan dowlad madax bannaan oo Soomaaliyeed.
Taariikhdu markay ahayd 26-kii Juun 1960, Gobolada Waqooyi ayaa xorriyad buuxda ka qaatay gumeysigii Ingiriiska’Waa maalintii ugu horreysay ee calanka buluugga ah ee Soomaaliya si rasmi ah loo suray dhul Soomaaliyeed.
Halka Laba maalmood kaddib, 1-da Luulyo 1960, ay gobolada gobolada Koonfurta Soomaaliya xorriyad buuxda ka qaateen gumaystihii Talyaaniga waxaana Isla maalintaas, si rasmi ah u midoobay Waqooyiga iyo Koonfurta soomaaliya iyadoo la aas-aasay Jamhuuriyadda Soomaaliyeed oo loo midaysan yahay .
Dhalinayarada soomaaliyeed ayaa xiligaas doorwayn ku lahaa halgankii xornimo u dirirka iyagoona ilaa hada u daagan ilaalinta xornimada iyo wada jirka umada Soomaaliyed’waxaa ayna Maalmaha xoriyada ee 26 ,Jun iyagoona 1,Luulyo ay ka shaqeeyaan qurxinta degmooyinka iyo deegaanada Soonaaliya .
Ururka Dhalinyada degmada Kismaayo ayaa Maalmahaan Magaalada Kismaayo ka wada howlo isugu jira dhiraynata goobaha muhiimka ee Magaalada, Nadaafad iyo dayactir ay ka sameeyeen qaar ka mid ah goobaha waxbarashada degmada kismaayo.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.