UEFA oo Tartamada Yurub Ganaaxday Kooxda Juventus

0
144

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Xiriirka kubadda cagta yurub ee UEFA ayaa kooxda reer talyaani ee Juventus ka saartay tartamada yurub kadib markii ay jabisay sharciga dhaqaala wanaaga yurub, taas ayaa la macno ah in ay kooxda Juventus aysan ka qayb gali doonin tartanka Europa Conference League xilli ciyaareedka soo socda.

Marka laga soo tago ganaaxa Juventus waxaa sidoo kale lagu xukumay ganaax adag oo lacageed, Uefa ayaa ku xukuntay ganaax qiimihiisu yahay £17.15, inkastoo kala bar lacagtan ay shuruud ku xiran tahay.

Bayaan ay soo saartay Uefa waxay ku sheegtay in £8.6m ee dheeriga ah ay shaqeyn doonto kaliya haddii xisaabaadka maaliyadeed ee Juventus ee sanadaha kala ah 2023, 2024 iyo 2025 ay u hoggaansami waayaan shuruudaha xisaabaadka ee sharciyada UEFA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here