UEFA Oo Soo Saartay Xiddigaha U Tartami Doona Xiddiga Ugu Fiican Champions League Todobaadkan

0
393

Kismaayo(Idaacada Waamo) Waxa Lasoo afjaray Kulamadii 4-aad ee Wareega Group-yada Tartanka Champions League Xilli Ciyaareedkan iyada oo ay Ka soo Baxeen Natiijooyin Cajiib ah.

Kadib Markii La Dhamaystiray Kulamadii Habeenadii Talaadadii iyo Arbacadii UEFA ayaa Soo Saartay Liiska 4-ta Xiddig ee u Tartami Doona Xiddiga ugu Fiican Todobaadka Champions League.

Xiddiga Kooxda Real Madrid ee Rodrygo ayaa isna is Baray aduunka Kadib Markii uu Saddexley Dhaliyay Waliba Caawiye Ka Noqday 2 Gool oo Kale Kulankii ay Kooxda Real Madrid 6/0 uga Badisay Kooxda Turkiga ee Galatasaray.

Goolhayihii Hore Real Madrid Haatana Goolka Ugu Jiro Kooxda BSG Keylor Navas ayaa Soo Bandhigay Qaab Ciyaareed Wanaagsan Kulankii ay Kooxdiisa PSG Guusha 1/0 ah Ka Gaartay Kooxda Club Brugge isaga oo Badbaadiyay Rikoore Kooxdiisa Lagu Dhigay.

Xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee daafaca ka ciyaara ee Acharf Hakimi ayaa isaguna kooxdiisa Ku hogaamiyay guul soo laabasho leh oo 3/2 ah oo ay ka gaadheen kooxda Inter Milan.

Xiddiga 4-aad ayaa ah Xiddiga Kooxda Tottenham ee Heung-Min Son Kaas oo Dhaliyay 2 Gool Sidoo kale Caawiye Ka Noqday Mid Kale Kulankii ay Kooxdiisu 4/0 uga Badisay Kooxda Red Star.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here