UEFA Oo Soo Saartay Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Champions League

0
1217

Kismaayo(Waamo Radio) Xiriirka Kubada cagta yurub ee UEFA ayaa soo saaray Shaxda ugu fiican tartanka champions League todobaadkan kadib markii la dhamaystiray kulamadii 8 dhamaadka tartanka champions League.

Todobaadkan ayay xiddigo badan oo tartanka ka qayb galay soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib kuwaas oo ka soo muuqday shaxda ay UEFA soo dooratay una dooratay xiddigaha ugu fiican shaxdooda.

Kooxda Liverpool ayaa xiddigaha ugu badan ku leh kadib guul weyn oo ay ka gaadheen kooxda Porto iyaga oo ku leh xiddigaha Virgil Van Dijk, Alexander-Arnold, Mohamed Salh iyo Sadio Mane.

Kooxda Man City oo garaacday Tottenham laakiin ka hadhay champions League ayaa ku leh 3 xiddig kuwaas oo kala ah Sergio Aguero, Raheem Serling iyo Kevin De Bruyne kuwaas oo goolal iyo caawin isku darsaday.

Kooxda Tottenham ayaa dhankeed ku leh hal xiddig kaas oo ah Son oo laaba gool u dhaliyay kooxda Tottenham halka kooxda Barcelona ku leedahay xiddigaha Ter Stegen, Lionel Messi Iyo Jordi Alba.

Kooxaha Liverpool, Tottenham, Barcelona iyo Ajax ayaa ah kooxaha u soo baxay Semi-finalka tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here