Tuulo ku taalla Yurub oo lagu iibinayo qiimo jaban

0
159

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Tuulada Salto de Castro ee ku taalla waqooyi galbeed Spain ayaa waxaa lagu iibinayaa lacag dhan 259,000 dollar.

Deegaankan oo ka tirsan gobolka Zamora ee dhaca xuduudda Bortaqiiska, ayaa waxaa ku yaalla guryaha ay caanka ku yihiin dadka u dhashay Spain.

Waxaa dhismayaasha kamid ah 44 guri, huteel, kaniisad, iskuul, goob lagu dabaasho iyo weliba xero ciidan.

Hase yeeshee cillada haysata ayaa ah in aanay jirin cid hadda ku nool oo waxaa ay cidlo ahayd muddo ka badan 30 sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here