Trump oo Kala Diraya Gudiga La Tacaalida Covid-19

0
280

Washiton(Idaacadda Waamo)Aqalka Cad ayaa qorsheynayaa inuu todobaadyo gudahood uu ku soo afjaro shaqada guddiga ka hortagga Corona, iyadoo dalkaasi uu weli faro ba’an ku haayo xanuunka covid-19.

Aqalka Cad ayaa wajahaya cadaadis ku aadan doorashada sanadkan dalkaasi ka dhici doonta iyo dhaqaalaha dhulka galay.

Afar iyo labaatankii saacadood ee la soo dhaafay, in kabadan laba-kun iyo saddex boqol oo qof ayaa dhintey.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xilli uu booqday warshad Arizona ku taalla oo lagu sameeyo maskaraatiga afka iyo sanka lagu duubto yiri dalkeena dib ayaan u soo celinaynaa.

Saraakiisha Caafimaadka Mareykanka ayaa ka digay in fayraska uu sii faafo iyadoo dalkaasi laga bilaabay in ganacsiyada qaar dib loo furo.

Mareykanka ayaa haatan waxaa laga xaqiijiyay 1.2 milyan oo kiis iyo in ka badan 70,000 oo dhimasha ah sida laga soo xigtay tirakoobka Jaamacadda Hopkins ee ku taal Baltimore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here