Thomas Tuchel oo tababare Chelsea loo  magacaabay 

0
307

England(Idaacadda Waamo)-Thomas Tuchel ayaa loo magaacabay  xaqiijiyay macalinka cusub ee Kooxda Chelsea iyadoo shaqada kooxda laga ceyriyey halyeeyga ee Frank Lampard.

Tababarahan cusub ee Jarmalka ah ayaa laga ceyriyey shaqada tababare ee kooxda reer France PSG kadib natiijooyin xun xun oo ay kooxda ku jirtay waayadii dambe.

halyeeygii hore ee Chelsea iyo England Frank Lampard ayaa la ceyriyay maamlinkii Isniinta, iyadoo Blues ay ku jirto kaalinta 9-aad ee Premier League ka dib shan guuldarro oo ay la kulanktay sideedii kulan ee ugu dambeysay horyaalka.

Tababare Tuchel wuxuu saxiixay qandaraas bilow ah oo 18 bilood ah oo uu ku joogayo kooxda reer England ee Chelsea, wuxuuna si dhakhso leh ula shaqeyn doonaa kooxda oo ku jirto waayo xun.Image

Tababarihii hore ee Paris St Germain Tuchel ayaa lagu waday inuu qaato tababarkiisii ​​ugu horeeyay habeenka talaadada, ka hor inta uusan la wareegin arbacada kulanka horyaalka ee ay la ciyaarayaan Wolves.Image

Waxaan jeclaan lahaa inaan uga mahadceliyo Chelsea kalsoonida ay igu qabaan aniga iyo shaqaalahayga, ”ayuu Tuchel u sheegay websaydka rasmiga ah ee kooxda Chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here