Thiago Silva oo shaaca ka qaaday hamigiisa kooxda Chelsea

0
351

London(Idaacadda Waamo)-Daafaca reer Brazil iyo kooxda Chelsea ee Thiago Silva ayaa shaaca ka qaaday hamigiisa naadiga Blues, kaddib markii uu xagaagan kaga soo biiray Paris Saint-Germain.

Chelsea ayaa suuqan xagaaga ku dhawaaqday inay la saxiixatay kabtankii hore kooxda Paris Saint-Germain isla markaana ay ku soo qaateen beeca xurta ah.

Wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa daabacay wareysi uu bixiyay Daafaca reer Brazil iyo kooxda Chelsea ee Thiago, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Xiddigaha da’ayarta ay heysato kooxda, lagu daray ciyaartoy badan oo khibrad leh, sida kabtan César Azpilicueta, waxaan heysanaa wax walba oo lagama maarmaan u ah inaan soo bandhigno xilli ciyaareed fiican”.

“Waxaan la soo saxiixanay ciyaartooy qaar oo qaab ciyaareed sare leh, waxaan sameyn doonaa wax walba oo aan awoodo, si aan u helo kalsoonida tababare Frank Lampard”.

“Waxaan u imid kooxda anigoo ku dhiiran 100% mashruucan cusub, halkan uma joogo waayo-aragnimo oo keliya, waxaan halkaan u imid inaan guuleysto”.

“Waxaana rajeynayaa inay noqon doonto sanad cajiib ah oo ay ka buuxaan guulo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here