Ten Hag Oo Sharaxay Sababtii Uu U Badalay Rashford Kulankii Fc Porto

0
31

Kismaayo(Idaacadda Waamo)- Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa shaaca ka qaaday in Marcus Rashford loo badalay sabab la xidhiidha nasiino kulankii ay Man United bar-baro 3/3 ah la gashay Fc Porto.

Rashford ayaa qayb wayn ka qaatay in Man United ay 2-0 ku hogaaminayso xili hore ee Estadio do Dragao, wuxuuna dhaliyay goolkii ugu horeeyay, wuxuuna caawiyay goolka labaad ee Rasmus Hojlund, wuxuuna muujiyay dardar badan si uu kooxda u caawiyo.

Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa la badalay qaybtii dambe ee ciyaarta waxana ay taageerayaashu is waydiiyeen sabab ka dambaysa badalka.

Isaga oo la hadlaya TNT Sport ayaa sheegay in uuna dhaawac soo gaadhin xiddiga laakiin uu go’aansaday in uu nasiyo xiddiga.

“Waxa aan go’aasanay in aan nasino waxana aan ku badalnay Garnacho oo aanan ku bilaaban ciyaarta”ayuu Ten Hag yidhi.

“Axada waxa aan leenahay kulan kale oo ada sidaas darteed waxa aan go’aansanay in aan nasino Rashford”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here