Ten Hag Oo Fariin U Diray Man United.

0
5

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Erik ten Hag ayaa ka hadlay markii ugu horeysay tan iyo markii laga ceyriyay Manchester United, isagoo soo gudbiyay wax si fudud loogu arki karo fariin ama digniin uu u dirayo ninka bedelaya, Ruben Amorim.

Tababaraha reer Holland ayaa shaqadiisa Old Trafford ku waayay bishii October 2024 kadib markii uu si niyad jab ah ku bilowday xilli ciyaareedkan.

Kulankiisii ugu dambeeyay ee uu leyliyo waxa uu ahaa guuldarro 2-1 ah oo ka soo gaartay West Ham, taasoo ka dhigtay United inay ku dhibtooneyso Premier League.

Inkastoo uu ku guuleystay Carabao Cup iyo FA Cup intii uu joogay kooxda, natiijooyinkiisii hore ee aan joogtada ahayn ayuu ku lumiyay booskiisa.

Ilaa hadda, United ayaa fadhisa kaalinta 15-aad, iyadoo hogaamiyayaasha Horyaalka ka dambaysa 34 dhibcood.

Taageerayasha Man United ayuu samirku ka dhamaanayaa hadalkii tababare Ten Hag ayaana cadaadiska ku sii badinaya

“Waxa aan u ciyaarnay si fiican laakiin waxa jirta meelo badan oo aan horumar ka samayn karno”ayuu yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here