Tartanka Gool Dhalinta Premier League Oo Meel Xasaasi Ah Maraya.

0
1920

Kismaayo(Idaacada Waamo) Tartanka Gool Dhalinta Horyaalka Premier League ayaa Maraya Meel Xiiso iyo Xamaasad Leh Kadib Todobaadkii 25-aad ee Horyaalka PL Xilli Ciyaareedkan.

Xiddiga Jamie Vardy ayaa Muddo Hogaaminaya Tartanka Gool Dhalinta Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedkan isaga oo Leh 17 Gool.

Xiddiga Sergio Aguero oo Dhaawac Kasoo Kacay Wacdaro ayuu Soo Bandhigayaa Dhawr Kulan Goolal Dhaliyey uguna Dhawaaday Vardy isaga oo Haatan Leh 16 gool.

Xiddigaha Marcus Rashford, Danny Ings & Pierre-Emerick Aubameyang, Mohamed Salah ayaa Leh Min 14 Gool Waxaana Jiro Tartan Xoogan oo Dhex Mari Doono Xidigahaan oo Wada Doonaya Inuu Mid Walibo Ku Guuleysto Gooldhalinta Horyaalka.

Xiddiga Chelsea ee Tambby Abraham ayaa 13 Gool Looga Tagay isaga oo aan Wax Gool ah Dhalin In Muddo ah Walibo Kulaamdii ugu Dambeeyay ee Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Hadabo Halkan Kaga Bogo Tartanka Gool Dhalinta Horyaalka Premier League:

  1. Jamie Vardy (Leicter City): 17 Gool
  2. Sergio Agüero (Man City) 16
  3. Mohamed Salah (Liverpool) 14
  4. Marcus Rashford (Man United) 14
  5. Danny Ings (Southampton) 14
  6. Pierre-Emerick Aubameyang (Arsenal) 14
  7. Tammy Abraham (Chelsea) 13
  8. Sadio Mane (Liverpool) 11
  9. Harry Kane (Tottenham) 11
  10. Raheem Sterling (Man City) 11
  11. Teemu Pukki (Norwich) 11
  12. Raúl Jiménez (Wolves) 11
  13. Chris Wood (Burnley) 10
  14. Dominic Calvert-Lewin (Everton) 10
  15. Gabriel Jesus (Man City) 9
  16. Anthony Martial (Man United) 8
  17. Richarlison (Everton) 8
  18. Roberto Firmino (Liverpool) 8
  19. Kevin De Bruyne (Man City) 7
  20. Riyad Mahrez (Man City) 7

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here