Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Munaasabad lagu daah-furayay tartanka kubada cagta heer kobaad ee Jubbaland ayaa lagu qabtay Magaalada Kismaayo gaar ahaan garoonka kubada cagta Waamo.
Munaasabada horyaalka heerka kobaad ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxwaynaha dowlad goboledka Jubbaland Ahmed Maxamed Islaam ,xiriirka Kubada cagta Jubbaland,xiriirka kubada cagta Soomaliya , wasaaradda dhalinyarad iyo cayaaraha Jubbaland iyo bulshada qaybeheeda kala duwan .
Madaxwaynaha Jubbaland ayaa daah furay tartanka ciyaaraha horyaalka heerka kobaad oo ka qayb galayaan lix koxood ka sido kala waxaa uu madaxwaynuhu xariga ka jaray garoonka kubada cagta Waamo oo mudo dheer uu ku socday dhismo casri ah.
Xamdi Maxamed Yasin,warbixintan inooga diyaarisay.