Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyey tartan loo qabtay qaar kamida dhalinyarada xaafada Calanleey, Tartan ciyaareedkan kubbada cagta ah oo socday Muddo saddex beri ah ayaa waxaa loo qabtay afar kooxood oo ka socday xaafada calanley waxaana kasoo qayb galay Xiritaankiisii gudoomiye ku xigeenka Arimaha bulshada Degmada Kismaayo, Agaasimaha waaxda arimaha bulshada ee dagamada Kismyaayo, gudoomiyaha Sportiska degmada Kismaayo iyo qaar kamid ah gudoomiyeyaasha xaafadaha magaalada Kismaayo.
Iidle Aadan Dagane ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.