Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska oo tababar u soo xiray saraakiil loo tababaray xiriirka Bulshada

0
16

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Taliye xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed( Kaniif ) oo uu wehliyo Aggaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Mundane Yuusuf Cali Maxmed ayaa galabta Tababar usoo xirey 64 kamid ah dhalinyarada Booliska la shaqaysa (Communty team) ka dhisan 4 degmo oo ka mid ah Gobolka Banaadir iyo ku dhawaad 20 Sarkaal oo kamid ah Boliiska Soomaliyeed kuwaas oo si wadajir ah Tababar kusaabsan xiriirka Bulshada iyo Boliiska ku qaatay Akadeemiyada Boliiska Soomaaliyeed ee Sarreeye Guuto Kaahiye muda todobaad ah.

Musuuliyiinta ayaa ku amaanney Taliyaha Hoggaanka Xiriirka Bulshada iyo Boliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Qaali Axmad Cadaaan sida wanaagsan ee ay u dhiseyso xiriirka Boliiska iyo Bulshada Gobolka Banaadir. Sidoo kale waxay u mahadceliyeen hay’adda UNDP oo taabagilisay tababarkaan.

Taliye xigeenka ayaa kula dardaarmay Dhallinyarada in ay la shaqeeyaan Boliiska Soomaliyeed gacanna kusiiyaan sidii loogu adkaan lahaa khawaariijta ku dhuumanaysa Bulshada dhexdeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here