Taliska qeybta afaraad ee ATMIS oo deeq kala duwan ku wareejiyay maamulka Baladweyne

0
50

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Taliyaha qeybta afaraad ee ciidamada ATMIS Col Xassan Jaamac Faarax iyo ku xigeenkiisa shumet Telelew Endeshaw ayaa deeq iskugu jirta raashin, biyo iyo daawo ku wareejiyay xoghayaha joogta ee xafiiska duqa magaalada Baladweyne Axmed Afyare Duqoow iyo isku duwaha wasaaradda caafimaadka Hirshabeelle ee Baladweyne Cabdi Maxamed Xalane.

Deeqdan ayaa waxaa iska soo ururiyay saraakiisha iyo askarta ciidamada itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka ku meel gaarka midowga Afrika ee ATMIS.

Iidle Aadan Dagane ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here