Taliska Laanta Nabad gelyada wadooyinka Kismaayo oo digniin u diray Wadayaasha gaadiidka.

0
426

Kismaayo(Waamo Radio)Taliska laanta nabadgelyada wadooyinka Kismaayo ayaa amar cusub ka soo saaray gawaarida aan lahayn Taarikada iyo darawalada aan heysan Leysanka kaxeynta gaadiidka.

Col Bashiir Xiis Khaliif ayaa Idaacada Waamo uga waramay sida ay muhiimka utahay in ay wadayaasha gawaaridu in ay ugu hugaan samaan Shuruucda wada marista iyo amarka kasoo baxay Ciidanka Wadooyinka magaalada Kismaayo.
Ciidamada laanta nabadgelyada  ayaa mararka qaar wajaha caqabado akla duwan oo ay kala kulmaan wadayaasha gadiid oo aan qaar kood wax badan kala socon shuruucda wada marista taasina waxaa ay sababtaa had iyo jeeraale in ay dhacaan shilal sababa khasaare kala duwan.
Waxaa Warbixintaan inoo jeedinaya:-Cabdiraxiin Deeq Muuse.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here