Taliska Booliska Degmada Caabudwaaq oo soo Bandhigay Maandooriye

0
476

Caabud-waaq(Idaacadda Waamo)-160 Dhalo oo Khamri iyo dhowr Kiilo oo Xashiish ah ayaa maanta lagu soo Bandhigay Saldhigga Degmada Caabud-waaq ee Gobolka Galguduud.

Taliska Booliska Degmada Caabudwaaq ayaa Howl-gal ay sameeyeen degmada 24,kii saac ee la soo dhafay waxaa ay maanta meel faara ah ku bur buriyay in ka badan 100 dhalo oo Khamri ah, waxaana wehliyay xashiish, Gaadiid iyo dad ka ganacsada oo lagu soo qabtay maandooriyahaasi.

Gudoomiyaha degmada Caabudwaaq taliyahia saldhigga degmada, taliyaha qaybta booliiska gobalka galgaduud iyo saraakiil ka tirsan qaybta 21 aad Iyo Masuuliyiin kale oo ka socday bulshada qaybaheda ayaa ku sugnaa madasha maanta lagu soo bandhigay Maandooriyahan

Taliyihii saldhiga Degamda Caabudwaaq Dhamme Nuur Cilmi Maxamed ayaa ugu horreyn ka hadlay Madasha lagu soo bandhigay Maandooriyaasha..

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Galgaduud Gaashaanle Sare Maxamuud Maxamed Jaamac (Dhaga-hoor) iyo Col. Axmed Baaraaf oo ka mid ah saraakiisha Qeybta 21,aad ayaa u mahad ceshay ciidamada sameeyay hawlgalgan.

Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq Mudane Mahad Cumar Cilmi ayaa sheegay inay ciidamadu joogteyn doonaan Hawlgalkan si loo dabar gooyo maandooriyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here