Tababare Roberto Mancini oo Iska casilay Xilka Tababaranimo ee Xulka Italy.

0
104

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Tababare Roberto Mancini ayaa xaqiijiyay in uu ku dhawaaqay inuu ka tagay xulka qaranka isla markaas muhiimada siin doono horumarinta xulka qaranka Italy ee da’yarka ah.

58 jirkaan ayaa xulka talyaaniga ku hogaamiyay ku guuleysiga Euro 2020, iyo sidoo kale kaalinta 3-aad ee tartanka UEFA Nations League sanadkii 2021.

Xulka Talyaaniga ayaa sidoo kale ku dhaw in ay u soo baxdo tartanka Euro 2024 waxaana ay la ciyaari doonaan xulalka kala ah Macedonia iyo Ukraine.

Italy ayaa haatan ku jirta kaalinta 3-aad ee Group-kooda kadib markii ay guuldarooyin kala kulmeen xulalka kala ah England iyo Malta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here