Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Hansi Flick Oo Bannaanka Keenay Hal Meel Oo Barcelona Looga Adkaaday Barbarihii
Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa qiray in kooxdiisu ay u baahan tahay inay si weyn u hagaajiso difaacashada kubbadaha taagan (set-pieces) haddii ay doonayaan inay garaacaan Inter Milan toddobaadka dambe oo ay u gudbaan finalka Champions League.
“Qaab ciyaareedkeennu markaan kubbadda haysano wuxuu ahaa mid la yaab leh,” ayuu yiri Flick.
“Qaabka aan u ciyaarnay semi-finalka Champions League wuxuu ahaa mid heer sare ah. Inter waa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican marka ay timaaddo kubbadaha taagan.”
Waa koox leh ciyaartoy dhaadheer, laakiin waa in aan si ka wanaagsan u difaacannaa. Xaaladda hadda waa la mid tii ka hor ciyaartii Atlético Madrid – waa final ka hor finalka,” ayuu intaas ku daray.
Flick ayaa sidoo kale sheegay:
“Koox kastaa waxay leedahay awood gaar ah, waanan ogayn taas maadaama aan ka wada hadalnay. Inter waa koox si fiican u isticmaasha kubbadaha taagan, khibradna way leeyihiin. Waa koox ay ka buuxaan ciyaartoy dhaadheer, wayna iga yaabsadeen, laakiin fursadeenna ayaan heli doonnaa Talaadada.”
Barcelona ayaa laba gool ka heshay Inter ciyaartii lugta hore, kuwaasoo labaduba ka yimid kubbado taagan. Ciyaartaasina waxay ku dhammaatay barbaro 3-3 ah.