Tababaraha Wolves oo ugu deeqay 250,000 kooxdiisa si loola dagaalamo saboolnimada.

0
300

England-(Idaacadda Waamo)-Tababaraha kooxda Wolves Nuno Espirito Santo ayaa wuxuu kooxdiisa ugu deeqay lacag dhan £250,000 kaas oo uu uga caawinaayo la dagaalanka saboolnimada kooxdiisa Wolverhampton soo wajahday.

Nuno, Tababare oo tka ahaa kooxda Premier League tan iyo sanadkii 2017, ayaa ku deeqay Wolves Foundation si ay uga caawiso bilaabida ‘Feed our Pack’.

Mashruucu wuxuu taageeri doonaa meelaha cuntada lagu xusho ee magaalada si loo yareeyo saameynta saboolnimada cunnada, iyo in la taageero dadka deggan ee ay saameysay cudurka faafa ee coronavirus.

Nuno ayaa yidhi: Taageerayaasha Wolves iyo dadka Wolverhampton waxay ii ahaayeen wax cajiib ah tan iyo markii aan halkan imid ku dhawaad afar sano ka hor, waxaanan doonayay inaan wax uun soo celiyo oo aan caawiyo dadka la halgamaya xilligii masiibada ayuu yidhi Nuno.

Si wada jir ah ayaan u xoog badanahay, waxaana rajeynayaa in taageerayaasheena ay rabaan inay ku soo biiraan oo ay hubiyaan inaan ilaalino dadka ku nool beesheena oo inta badan u baahan xilliyadan adag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here