Tababaraha Real Madrid oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Tababaraha Bisha ee La liga

0
9

Kismaayo(Idaacadda Waamo)- Tababaraha Real Madrid Xabi Alonso ayaa loo magacaabay tababaraha Bisha August ee horyaalka La Liga, taas oo markhaati u ah bilowgiisa riyooyinka leh ee kursiga tababarenimo ee Santiago Bernabéu.

Tababare Alonso ayaa kooxdiisa u horseeday guulo isdaba joog ah oo ay ka gaareen kooxaha Osasuna, Real Oviedo iyo Real Mallorca, isagoo saddexda kulan ku dhaliyay 6 gool halka kaliya laga dhaliyay 1 gool.

Guulahaasi ayaa Real Madrid ku hoggaamiyay horyaalka iyadoo leh 9 dhibcood, halka ay kooxda Barcelona waxeyna heystaan 7 dhibcood oo ay ku jiraan kaalinta 4-aad.

Xiddigii  hore ee Real Madrid iyo Spain ayaa rajaynaya inuu sii wado qaab ciyaareedkan wanaagsan, isagoo toddobaadka soo socda wajihi doona Marseille kulankiisii ugu horreeyay ee Champions League isagoo tababare u ah Los Blancos.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here