Tababaraha Chelsea oo Xaqiijiyay In 4 Xiddig oo Dhaawaca ahaa dib uga soo Laabteen Kooxdiisa

0
100

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Tababaraha kooxda chelsea ee Graham Potter Ayaa xaqiijiyay in ay kooxdiisu dib u helayso 4 ka mid ah xiddigaha kooxda kulanka Fulham ee premier League.

Potter ayaa xaqiijiyay in xiddigaha  Reece James, Ben Chilwell, Raheem Sterling & Ruben Loftus-Cheek dhamaantood taam u yihiin in ay ka qayb qaataan kulanka Fulham.

Xiddigaha  Reece James, Ben Chilwell, Raheem Sterling & Ruben Loftus-Cheek ayaa dhamaatood ka soo kabsaday dhaawacyo kala duwan oo ay kaga maqnaayeen kooxda kulamadii ugu dambeeyay.

“Ben, Reece, Raheem iyo Ruben waxay  ku jiri doonaan kooxda ka hor tagi doonta Fulham”ayuu Potter yidhi intii uu ku jiray shirkii ka horeeyay kulanka Fulham.

Wesley Fofana waxa uu qayb ahaan tababarka la qaadanayay kooxda waxana uu tababarka buuxa bilaabi doonaa todobaadka dambe”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here