Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose si rasmi ah uga furtay tababarka tababarayaasha ee habraaca qorista siyaasadaha iyo shuruucda, kaas oo loogu talagalay in lagu kobciyo aqoonta 100 qof oo ka kala socday hay’adaha kala duwan ee dowladda sida Laanta Fulinta, Shacidejinta, Garsoorka iyo qeybaha bahda sharci yaqaanada.
Mowliid Abdi Kulmiye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.