Taariikhda Kooban ee Ramla Ali oo Soomaaliya u meteleysa Ciyaaraha Olimbikada, maantana la ciyaareysa Maria Nechita

0
322

Tokyo(Idaacadda Waamo)-Warbixintaan waxaan ku eegeynaa Taariikhda Kooban ee Feeryahanadda Soomaaliyeed ee Ramla Ali oo maanta iyadoo calankeenna huwan la ciyaareysa Maria Nechita.

Waxay ahayd socod barad markii walaalkeed ka weyn oo ku jira da’da 12-ka sano uu ku dhintay madfac intii ay socdeen dagaalladii sokeeye, qoyskeedu waxay dhex mareen roob sidii dhagaxaanta u hooray, kaasoo qaar ka mid ah ay ku dhinteen Baabuurka gudahiisa, sida ay Ramla hooyadii xusuusato, ujeedku wuxu ahaa inay ka baxsadaan Muqdisho ka hor intaanay ku sii adkaysan safar sagaal maalmood oo doon ay ku tagayaan Kenya, kaasoo intii ay sii socdeen rakaab badani u dhinteen Gaajo.

Shaqsiga aan ka sheegeynayno waa Ramla Ali oo iyadoo huwan calanka buluugga ah ee Soomaaliya maanta la tartamaysa Maria Nechita oo iyana mataleysa Romania ciyaaraha Olimbikada 2020 ee Japan, gaar ahaan qeybta dumarka ee Feerka.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Tartanka: Tokyo 2020 Olympics

Tartamayaasha: Ramla Ali vs Maria Nechita

Dalalka: Somalia vs Romania

Ciyaarta: Women’s Featherweight 57-54kg

Taariikhda kulanka: Maanta oo Isniin ah 26-ka bisha July 2021

Saacadda: 02:12 Duhurnimo

Garoonka: Kokugikan Arena – Tokyo – Japan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here