Taariikh “Mohamed Salah oo Taariikh ka Sameeyay Tartanka Premier League”

0
13

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)- Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed salah ayaa sameeyay Taariikh Cajiib ah kadib markii uu gool ka dhaliyay kulankii xalay ay guusha ka gaareen kooxda Chelsea kulanka ayaa ka tirsansanaa kulumada horyaalka Premier League.

Xiddiga Salah ayaa gool u badalay rikoodhe loo dhigay kooxdiisa Daqiiqadii 28-aad ee qaybta hore ee ciyaarta, kadib goolka Salah ayaa taariikh ka sameeyay Premier League isaga oo isku qoray buuga taariikhda tartanka horyaalka.

Salah ayaa dhaliyay goolkiisii 162-aad ee Premier League tan ilaa markii uu ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay.

Xiddiga Salah ayaa noqday xiddigii 9-aad ee ugu goolasha badan taariikhda horyaalka Premier Legaue.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here