Suuqa Xoolaha magaalada Kismaayo oo laga dareemayo sare u kaca dhanka iibka Xoolaha ah

0
311

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Saylada xoolaha ee magaalada Kismaayo ayaa maanta waxaa laga dareemayaa saxmad iyo mashquul badan waxaana  soo buux dhaafiyay xoolo isugu jira Geel iyo Ari kuwaas oo saylada  loo keenay in la iibiyo.

Waxaa is badalay qiimaha lagu  kala iibsanayo xoolaha la keenay saylada Kismaayo Neefka Geela ee heerka 1-aad oo markii hore lakala siisan jiray 25 malyan ayaa hada maraya 32 ilaa 33 Malyan sido kale neefka  Geela ee heerka 2aad hayaa la kala siisanaya 25 ilaa 26 Malyan halka markii hore lagu kala iibsan jiray qiimo intaas ka hooseeya .

Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here